What's new
SomaliSpace Forum,News,Videos,Chat and Discussion

Welcome to SomaliSpace forum,Register a free account today to become a member! Once signed in, you'll be able to participate on this site by adding your own topics and posts, as well as connect with other members through your own private inbox!

Taarikhda colaada dheer u dhaxaysa Amxaarada iyo Tigreeyga

DiyeeShe

Habar Yoonis
Wadani
Taarikhda Colaada dheer u dhaxaysa Amxaarada iyo Tigreeyga

Dhallinyaro, colaadda labadan qowmiyadood (Tigrey iyo Amxaaro) waxay kamid noqotey mid u dhaqan ah facahooda. In-kasta oo Tigreygu ahaayeen kuwii dhisey boqortooyadii Aksum oo cimrigeedu ahaa 80 ch illaa 825 cd, misana qarnigii 19-aad ayaa waxaa ka saad-caleeyey qowmiyaddii Amxaarada. Waxaa taariikhda ku xusan in saaxiibadii suubanaha (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee) in ay u qaxeen magaalada Aksum oo ay ku reebeen raad diineed (Islaam). Waxaa jirey dhowr jeer oo xilliyo dhexe ahaa oo Amxaaradu ay Tigreyga kala wareegtey talada.

Waxaa kamid ah xilligii ay socotey colaadihii macatab u-dirirka. Dabeylihii cadaawadeed oo qarniyadii dhexe ka soo bilowdey Yurub ee lagu weerarayay degaanada Muslimiinta, wuxuu danqiyey masiixiyiintii ku noolaa bariga dhexe, gaar ahaan Masar. Boqorradii dowladdii Ayuubiyiinta ayaa markaas cadaadis saarey wadaaddadii masiixiyiinta ee ku hoos-noolaa.

Qibdiyiintii Masaarida ahaa, iyaga oo ka soo qaxaya cadaadiska kaga yimid dowladda Ayuubiga, waxay bilaabeen in ay u soo qaxaan dhulka Tigreyga. Markaas ay soo qaxayeen waxay xambaarsanaayeen fikradihii macatab u-dirirka. Waxay ku tallaaleen Tigreygii, arintaasi waxay dhalisey colaado xilliyo kala danbeeyey oo dhex-maray imaaradihii Soomlida (Ayfat iyo Awdl) ee ka dhisnaa degaanka.

Gaar ahaan weerarkii xoogga waynaa ee uu Hoggaaminayay Imaam Axmed Gurey, waxaa ku jabay boqortooyadii Tgreyga. Amxaarada fursaddii soo baxdey ayay ka faa’iideysteen oo in-badan oo kamid ah waxay raaceen Imaamkii iyaga oo la dagaalamaya Tigreyga.

Waxaa jirey loolan qowmiyadeed, mid siyaasadeed iyo mid diineed, kaas oo labadan reer ka dhexeeyey. Qolo waliba markii ay hesho gacan-sareyn, qolada kale wax arxan ah uma geleyn. Mar-walbana qolada ay guushu raaceyso waxay hiil ka heleysey xoogag shisheeye. Naqshadda joqraafiga casriga ah ee Abasiiniya waxaa la dhisey bartamaha qarnigii 20-aad. Dagaalkii labaad ee dunida, markii Talyaaniga uu qabsadey Addis-ababa, Boqor Xyle Selaessie dibadda ayuu u qaxay. London ayuu aqal ka ijaartey oo isaga iyo qoyskiisii ay degeen. Dowladda Ingiriiska oo Talyaaniga dagaal kula jirtey ayaa waxay Talyaanigii kaga adkaatey dhamaan degaanadii ay ku dirireen oo ay kamid ahayd Geeska Afrika.

Markii Talyaanigii lagala wareegey Addis Ababa, Abasiiniya ma noqon dal la gumeysto sida ummadihii kale oo Soomaaliya ay kamid ahayd. Bal waxaa loola dhaqmey sidii dal xor ah. Boqor Xayle Selaessie waxaa lagu soo celiyey Addis-ababa, isaga oo ay garab joogaan ciidamadii Ingiriiska. Si dowladda boqorkan ay ula fal-gasho nadaamka cusub ee caalamka ka dhismaya dagaalka dabadeed, magacii Abasiiniya ee labada qowmiyadood ku ekaa waa laga beddeley oo waxaa loo bixiyey (Itoobiya), taas oo macnaheedu yahay dadkii jirka madoobaa. Kitaabka (Fatha Nagast) oo wadaaddada Ortodokiska reer Abasiiniya akhristaan, waxaa ku xusan dadka madow oo lagu sheegey magaca Itoobiya in ay yihiin dadka ku dhaqan degaanka u dhexeeya webiga Niil iyo xeebaha badaha.

Isla kitaabkaas waxa ku xusan, dadka ku dhaqan degaanada u dhexeeya labada biyood (webiga iyo badda) in xagga Eebbe looga doortey in Abasiintu ay hoggaanka u hayaan. Magacan Itoobiya waxaa keeney laba sarkaal oo Ingiriis ah, kuwaas oo dowladdii Xayle Selaessie u caga-dhigey. Iyagu waxay kamid ahaayeen ciidmadii Talyaaniga kaga adkaadey Abasiiniya. Labada nin waa Jeneral Daniel Sandford (1882 - 1972) iyo Jeneral Orde Charles Wingate (1903 - 1944). Raggan ayaa waxaa lagu tilmaamaa in ay ahaayeen kuwo u xamaasadeysnaa diinta masiixiyadda. Sida aanu horey u soo xusney, Xayle Selaessie intuusan magacan la bixin waxaa la oran jirey Ras Tafarre. Fikradahan uu ku beddeshey magaciisa iyo magaca dalka, dhamaan waa fikrado uu ku mahoobinayay shucuubta degaanka.

Xayle wuxuu markaas qaatey darajo diineed oo kitaabka bible-ka ku qoran. Darajadaas waxay tahay “ Libaaxa Yahuudah “. Waa magac ku xusan kitaabka quduuska ee Gesesis I, 49:9. Magaca Judah waa wiilkii afaraad ee nebi Yacquub. Waxaa ka farcamay qabiilada ugu milgaha culus ee reer bani-Israa’iil. Nebi Daa’uud iyo Nebi Suleymaan ayaa ka dhashey. Kitaabka waxaa ku qoran in uu imanayo will ka farcamaya wiilkan oo wata magaca Libaax. Halkaas ayuu ku qaatey brotokoolkii xukunkiisa ee haa sidan:

KING of Kings, LORD of lords, Conquering Lion of Judah, Elect of God, the Light of the World “, Taas oo macnaheedu yahay: (Libaaxii libaaxyada, sayidkii sayidyada, libaaxii yuhuudda ee wax qahrayay, midkii xagga Eebbe laga doortey, ileyskii dunida).

Xayle Sealessie wuxuu Addis-ababa ku soo laabtey isaga oo huwan magacyadaas mugga wayn laakiin bugta ah. Sidaas ayuu ku weeraray ummadihii la deriska ahaa oo dulmi badan ugu geystey, isaga oo sheeganaya in uu yahay nin xagga Eebbe ka socda, wixii ka hor-yimaadana ay yihiin kuwo Eebbe diiddan.

Ummadahaas oo lagu khasbey in ay hoos-yimaadaan xukunkiisa waxay ahayeen Soomaali, Oromo, Tigrey, Siidaamo, Guraaga, Welayata, Cafar, Hadiya iyo kuwo kale oo badan. Waxaa arintaas ka yaab-badan in ay sameysantey diin magaciisa wadata oo la yiraahdo Ras-Tafarrian. Iyagu waxay rumeysnaayeen in nebi Ciise uu ahaa nin madow. Xayle Selaessie isna uu yahoo nin meow oo Ciise matala oo dib u soo nooleynaya diintii laga weecdey ee nebigaas madow.
 
General chit-chat
Help Users
  • No one is chatting at the moment.
    There are no messages in the chat. Be the first one to say Hi!
    Top