What's new
SomaliSpace Forum,News,Videos,Chat and Discussion

Welcome to SomaliSpace forum,Register a free account today to become a member! Once signed in, you'll be able to participate on this site by adding your own topics and posts, as well as connect with other members through your own private inbox!

(Taariikh)Maxay tahay taarikhda ka danbaysa in China ay diidan tahay In ay Aqoonsato Taiwan?

BoortaYeeri

LeelKase-Derbi Darood
Wadani
(Taariikh)Maxay tahay sababta Taiwan ay China Ugu diidan tahay Aqoonsi?

Taiwaan waa jasiirad dhacda xeebta Shiinaha ee koonfur-galbeed. Waxay u jirtaa dhulka engegan ee Shiinaha 160 km. Jasiiradda waxaa ku nool dad tiradoodu ku dhowdahay 24 melyan oo isugu jira qowmiyado kala duwan oo ay ugu badan yihiin qowmiyadda Haan-ka Taiwaan (95 %).
Bedka dhuleed waa 36,197 km oo afar-gees ah. Jasiiraddu waa dal hodan ah oo ku dhisan hannaanka talo-wadaagga ah. Budjetka sanadkii tegey ee Taiwaan waa 756 bilyan oo dollar. Sidaa darteed dalku waxay kamid yahay afarta dal ee leysku yiraahdo afarta shabeel ee Aasiya (Four Asian Tigers), kuwaas oo kala ah Koonfurta Kuuriya, Hong-kong, Singabuur iyo Taiwaan.

Waddamadan afarta ah waa kuwo deris ah oo sanadihii 1960-aadkii illaa 1990-aadkii uu dhaqaalahoodu kordhayay 7 % sanad walba. Iyagu waxay ku hodmeen maamul talao-wadaag ah iyo dhisid kaabado dhaqaale.

Dhaqaalaha xooggan oo dadka reer Taiwaan ay dhisteen iyo hannaanka siyaasadda xasilloon ee talo-wadaagga ah ma noqon mid u horseeda dowlad si buuxda u madax-bannaan. Dalku weli wuxuu ku xiriirsan yahay siyaasadda dalka Shiinaha. In-kasta oo dalku uu sheegto madax-bannaani, misana in beesha caalamka ictiraafto waxaa ka hor-taagan Shiinaha

Wuxuu ka hor-taagan yahay in maamulka jasiiradda uu aqoonsi caalami ah ka helo beesha caalamka si ay jasiiradda u noqoto dowlad si buuxda u madax-bannaan. Shiinuhu waxay maamulka jasiiradda ku xukumeen in uu yahay aamul caasi ah oo ka madax-adeygey dalkii hooyada ahaa. Laakiin Taiwaan isuma aragto caynkaas.

Inteeyan kala tegin Shiinaha iyo Taiwaan, dagaal-waynihii II-aad waxay ka dhinac dirirayeen waddamadii xulufada ahaa oo Mareekanku uu hoggaaminayay. Shiinuhu waxay markaas dagaal kula jirey dalka Jabaan. Xilligaas Shiinaha waxaa u talinayay xisbiga PRC (Peoples Republic fo China). Xisbigan oo ah mid qowmi ah, magaca dalka looga yiqiin wuxuu ahaa KMT (Kuomintang).

Waxaa xigey dagaal sokeeye oo muddo dhowr sano ah socdey in uu ka qarxey Shiinaha. Waxaa dirirey xisbigii KMT iyo xisbigii shuuciga ahaa. Shuuciyiintii markii ay adkaadeen, madaxdii hoggaanka u hayay xisbiga dalka u talinayay (KMT) waxay u baxsadeen jasiiradda Taiwaan. Xisbigan oo ahaa xisbi qowmi ah, dowladdiisii waxay degaan ka dhigatey jasiiradda Taiwaan. Dal-waynihii Shiinaha iyo magaalo-madaxdiisii waxaa la wareegey xisbigii Shuuciga ahaa.

Xilligaas ay Shuuciyiintu la wareegayaan talada dalka Shiinaha, waxay ahayd sanadkii 1949-kii. Waxaa ka horeeyey oo sanadkii 1945-kii in dalka Shiinaha uu xubin buuxda kamid noqdey JQ ka Dh (Jamciyadda Quruumaha ka Dhexeysa). Dowladda Shiinaha waxaa xilligaas matalayay xisbiga KMT oo fadhigiisu yahay Taiwaan. Xisbigii Shuuciga ee Shiinaha oo dalkii dhamaantiis uu gacanta u galay ayaa waxay sheegteen in ay maamulka Taiwaan fadhiya uu yahay mid xaaraan ku dhisan, jasiiradduna ay tahay degaan ka tirsan Shiio.

Laakiin xukuumaddii fadhigeedu ahaa Bakiin, gacan kagama helin adduunka in lagu saacido si maamulkii jasiiradda loogu celiyo maamulka ka dhismey dhulkii berriga ahaa. Sababtuna waxay ahayd dagaalkii qaboobaa oo bilowdey, kaas oo sababaha uu uu ku curtey ay kamid ahayd colaaddii labada Kuuriya (Waqooyiga iyo Koonfurta).

Colaadda labadaas dal Shiinuhu si buuxda ayuu ugu lug-lahaa, isaga oo taageerayay Kuuriyada-Waqooyi. Taasi waxay sabab u noqotey in Taiwaan gacan lagu siiyo in ay xigsato kursigii ay ku lahayd JQ ka Dh oo ay ku matalaysay dalka iyo dadka Shiinaha. Kursigaas ayaa in muddo ah wuxuu ahaa mid Shiino lagu cadaadinayay si ay u oggolaato ictiraafka in jasiiradda Taiwaan ay tahay dowlad ka madax-bannaan. Sida laga bartey diblomaasiyadda dowladaha waawayn ee dunida, markii dowlad looga tanaasulayo qadiyad ay markaas wadato, iyana waxaa laga codsadaa in ay qadiyad kale ka tanaasusho. Xilligaas waxaa jirey dowlado shukaaminayay Shiinaha oo ka doonayay in ay ictiraafto dalka Mangooliya oo ahaa dal madax-bannaan, laakiin Shiinuhu ay muddo badan ka talinayeen.

In-kasta oo Shiinuhu uu yahay dal weyn oo aanan dibadda ka joogi karin madasha caalamka wax ku qeybsanayo, misana qadiyadda Mangooliya ayaa Shiinaha loo bar-bar dhigey in uu ku qaato kursiga Taiwaan kaga fadhido. Dowlado Mareekanka la xulufo ahaa oo Ingiriiska iyo Fransiiska ay ugu horeeyaan ayaa arinkaas dallaal ka ahaa.

Soomaaliya waxay kamid ahayd dowladaha ugu codka dheeraa ee fadhiyada jamciyadda si dhiirran uga sheegi jirey in Shiino kursigooda la oggolaado. Ugu danbeyn Mareekanka oo ku qancey arinkii ayaa isna qadiyado la xiriira dagaalkii Fiyetnaam isna miiska soo saartey. Taasina waxay ka danbeysey markii madax-weyne Richard Nixon uu booqasho rasmi ah ku tegey Bekiin. Hoggaamiyihii Shiinaha iyo madax-waynihii Mareekanka, arimaha ay ka wada-hadleen waxaa kamid ahaa in qadiyadda Taiwaan liifadda loo gaabiyo.

Sanadkii 1971-kii ayaa xisbiga Shuuciga ee Bekiin ka taliya loo oggolaadey in uu si rasmi ah u matalo dadkiisa. Dowladda Shiinaha, Taiwaan kalama ayan wareegin kursigii jamciyadda oo keliya, bal waxaa kale oo ay kala wareegtey awoodda diidmada qayaxan oo Taiwan ay ku lahayd madasha. Arintaasi si taxaddar leh ayuu caalamku u soo dhoweeyey. Wixii ka danbeeyey muddadaas dalka Shiinaha si qun-yar socod ah ayuu wuxuu ugu xamaaranayay in uu kamid noqdo dhamaan ururada iyo hay’adaha caalamiga ah.
 
General chit-chat
Help Users
  • No one is chatting at the moment.
    There are no messages in the chat. Be the first one to say Hi!
    Top