What's new
SomaliSpace Forum,News,Videos,Chat and Discussion

Welcome to SomaliSpace forum,Register a free account today to become a member! Once signed in, you'll be able to participate on this site by adding your own topics and posts, as well as connect with other members through your own private inbox!

Maxaad Ka Taqaanaa Cilmaaniyada(Atheism) iyo Diimaha Calamka kajira?

Beeldaajiye

Muhaafid
Staff member
Wadani
Cilmaaniyadda iyo Diimaha Calamka kajira

Waxaan shaki ku jirin ereyga ah
Cilmaaniyadda in uu muddo qarni ka badan dood ka dhex-abuurayay caalamka Islaamka gudihiisa. Aqoon-yahannada iyo mufakiriinta ka doodayay xooggoodu waxay ahaayeen laba qaybood. Qolo waxay mar-walba sheegayeen in cilmaaniyaddu tahay gaalnimo iyo diinta oo laga fogaadaa. Qolo kale waxay dooddoodu ahayd in cilmaaniyaddu ay tahay hannaan dowladnimo oo ku dhisan madaniyad iyo talo-wadaag, diintuna ay tahay qof iyo doorashadiis.

Inta-badan qolada hore waxaa u muuqda taariikhdii ay cilmaaniyaddu la soo martay kahanadii kaniisadaha masiixiyadda iyo yahuudiyadda

Qolada danbe ayaa iyagana intooda badan waxaa u muuqata hor u-marka ay nolosha ka gaareen dowladha cilmaaniyadda sheegta. Haddaba haddii aanu dhinac iska-dhigno doodda xooggan oo labada qolo u dhexeysa, aynu si guud u eegno diimaha oo iyaguna ah faham, laakiin ay caqiido weheliso.

Guud ahaan, diintu waa faham uu caqligu aqbalo, weligeed waxay ahayd soo-jireen dhex-taalla in aadamiga uu isku diido fikraddeeda iyo aragtiyadeeda. Is-diidkaas ayaa wuxuu qayb ka ahaa nolosha aadamiga iyo socodsiinteeda. Isla-markaas wuxuu raad ku lahaa dhacdooyinka sababa is-bedellada qotada dheer oo mar-walba horey u dhigayay qul-qulka il-baxnimada.

Fikradda diinta, waxay ugu horeysaa fikradaha caan-baxay ee dood wayn ka dhex curisay filosofiinta, aqoon-yahannada, taariikh-yahannada, bulsho-baradka, iyo dhammaan kuwa leh cuquusha u saaxiibka ah hal-abuurka. Weligeed, fikradda diinta waxay ahayd mid ku tallaalan maskaxda aadamiga, ama ha ahaato mid u xaglinaysa ama ha ahaato mid ka xaglinaysa.

Diin waa asaaska caqiido walba oo dunida ka jirta, taas oo bulsho dadka kamid ah ay rumeysan yihiin. Waa hannaan ay weheliso aaminaad ku xiriirsan qofka iyo axadka uu u rumeysan yahay in uu abuuray, sidaa darteed uu ku leeyahay xushmayn, nasihid iyo ka-dhowrsasho.

Diin-walba waxay leedahay dad aaminay oo ku mideysan saldhigyada caqiidadeeda, falalka cibaadadeeda, kutubta maraajicda u ah aqoonteeda iyo degaanada muqadaska u ah oo loo xajiyo. Waxaa kale oo diimuhu ay ku caan-baxeen in mid walba ay dadkeeda si adag isugu-xirto.

Tirada diimaha maanta dunida ka jira waxaa lagu qiyaasaa 4,200 oo diin. 12 kamid ah ayaa ugu wayn, kuwaas oo dadka dunida ku nool 83 % ay raacsan yihiin. Diimahaasi qaarkood waa ruuxi oo waxaa kamid ah Hinduism, Buddhism, Shintoism, Confucianism, Taoism. Qaarkoodna waa samaawi oo waxaa kamid ah Masiixiyadda, Islaamka iyo Yahuudiyadda.

Marka la qeexayo diin waxay tahay, qof waliba wuxuu malaynayaa in uu garanayo jawaabta. Laakiin qeexidda diinta waa ay ka qallafsan tahay sidaas uu qofku malaynayo. Dadka qayb ayaa ku tilmaama hannaan ku dhisan malayaal.

Qayb kale waxay ku tilmaamaan falal dhaqan ah oo qofku uu la wadaagayo bulshada la nool-yahay. Qayb kale waxay ku tilmaamaan in diintu tahay khuraafaad uu qofku iska-dhaadhiciyo. Qolo kale waxay leeyihiin waa intaas la soo tilmaamay wada-jirkooda.

Waxaa kale oo jira qaybo dadka kamid ah oo aanan rumeysneen diin gebi ahaanteed. Iyaga qudhooda diidmadaas ay diiddan yihiin diimaha ayaa u diin ah. Dadka caynkaas ah waxay tirakoobka diimaha ka gelayaan tirsiga saddexaad oo waxay ka badan-yihiin dadka raacsan diinta Hinduus-ka.

Diinta masiixiyadda ayaa waxay tahay midda ay dadka ugu badan raacsan yihiin, kuwaas oo tiradoodu ay gaarayso 2,40 bilyan oo qof. Waxay dadka dunida ku nool ka yihiin 33 %. Diinta Islaamka ayaa waxay tahay diinta labaad marka la-eego tirada dadka raacsan.

Waxay iyaguna dhan-yihiin 1,80 bilyan oo qof. Waxay tirada dadka dunida ku nool ka yihiin 24 %. Diinta Hinduism-ka ayaa xigta oo dadkeedu ay gaarayaan 1,15 bilyan oo qof. Iyaguna waxay ka yihiin dadka dunida ku nool 15 %. Diimuhu waxay ka mideysan yihiin in uu jiro Eebe abuuray wax walba oo dunida yaal. Sidaa darteed waxay isla qirayaan inilaahaas uu mudan yahay in la caabudo. Iyada oo diimuhu ay isku khilaafsan yihiin aragtida caqiidada iyo fahamka cibaadada, ayaa misana waxay ka mideysan yihiin anshaxa diimeed.

Diin dhamaanteed waxay dadkeeda faraysaa in aadamiga ay kula dhaqmaan anshaxa midkiisa ugu wanaagsan.

Tan iyo maantii aadamigu uu ka soo daahiray dhulka oogadiisa, waxaa abuurkiisa weheliyay faham dabiici ah oo la xiriira iimaanka iyo cibaadada.

Nebi Aadan oo ah aabihii ugu horeeyey oo dadka u waalidka ah, ayaa abuurkiisa iyo nebinimadiisa waxaa isku-raacsan diimaha samaawiga ah. Sida ay diinta islaamku qabto, suubanihii Maxamed ahaa (shacni iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee), hortiis ma-jirin ummad ama bulsho aanan loo soo dirin nebi u soo gudbiyay dhambaallo uu xagga Eebbe kala yimid.

Arintaasi waxay waafaqaysaa faham ku tallaalan aadamiga, meel-kasta oo uu joogo iyo xil kasta oo uu heysto iyo aqoon kasta oo uu leeyahay. Arintaasi waxay tahay, markii qofku uu la kulmo xaalad cabsi badan oo uusan waxba ka qaban-karin, wuxuu si niyad leh uga fekeraa awood aadamiga ka sareysa oo wax kala qabata mixnadda haysata.

Arintaasi qof walba inta uu yar-yahay waxay ku riixdey in uu marka hore ku qanco diin uu markaas ka dhaxlay labadiisa waalid
 

Awliyo

Akisho,HA
Wadani
Cilmaaniyada kulahaa, ninyahow Somalidu waa Hal wanna Muslim, Cismaaniyaduna waa wax Dalkeena ku cusub oona ah naadir.

Ilaaahay Jannad yuusan ka waraabin Xaar Barre sababtoo ah Inkaar qabahaas Gaal raaca baa ciilmaaniyada Somalida ku San duleeyeey, Tusaale ahaan,Cilmaaniga keliya ee aan abid arkay wuxuu Gaaloobay xiligii Shuuciyada uu Barre keenay dalka.Naga daa , Naga dhaaf, Been badanaa, faan badanaa
 
General chit-chat
Help Users
  • No one is chatting at the moment.
    There are no messages in the chat. Be the first one to say Hi!
    Top