GABAR YAHAY, WIILKA 100 SU’AAL WEYDII, INTA AADAN GUURSAN
1- Labadaada waalid ma nool yihiin?
2- Labadaada waalid haddii ay nool yihiin, miyay isqabaan?
3- Labadaada waalid maxay qabtaan?
4- Xiriirka adiga iyo labadaada waalid idinka dhexeeyaa waa mid caynkee ah?
5- Miyaad shaqaysaa?
6- Xaggeed ka shaqaysaa?
7- Mushaar intee la’eg baad qaadataa?
8- Imisa sano ayaad ka shaqaynaysay?
9- Shaqadaada iyo mushaarkaaga ma ku qasban tahay mise waad ku qnacsan tahay?
10- Akoon bangi ma ku leedahay?
11- Lacag keyd ahi ma kuugu jirtaa?
12- Waalidkaa miyaad la nooshahay mise keligaa ayaad nooshahay?
13- Guri ma leedahay mise kiro ayaad ku jirtaa?
14- Gaari ma wadi taqaan?
15- Rukhsadda gaari wadista ma haysataa?
16- Gaari ma leedahay?
17- Horay miyaad usoo guursatay?
18- Xaas iyo/ama carruur ma leedshay?
19- Goormaa kuu qorsheysan in aad guursatid?
20- Qofka aad guursanaysid waalidkaa in aad xulato ma kuu oggolyahay?
21- Ma jiraan qabiillo ama deegaanno gaar ah oo aanu waalidkaa jeclayn in aad ka guursatid?
22- Waalidkaa iyo walaalahaa saameyn intee la’eg bay ku yeelan karaan gurigaaga iyo guurkaaga?
23- Imisa carruur ah baad jeceshahay in aad dhashid?
24- Haddaan wax isu dhali weyno, naag kale ma ila guursaneysaa?
25- Laba xaas ama saddex ama afar in aad yeelato ma laga yaabaa?
26- Habeenkii miyaad saabbuun ku qubeysataa mise subaxdii?
27- Meeqa maalmood oo kasta ayaad qubeysataa?
28- Cadaygaagu ma buraash baa mise waa caday Soomaali?
29- Imisa jeer baad maalintii cadaysataa?
30- Marka aad raashinka cuntid, ilkaha cayngari miyaad ku bixbixisaa mise istakiin (fandhicil)?
31- Marka aad cadaysanaysid, dawada lagu luq-luqdo ma ku luq-luqataa?
32- Subaxdii cadayga kahor miyaad wax cuntaa/cabtaa mise keddib?
33- Xaashida saxara-tirta ma adeegsataa mise biyo uun baad ku dhaqataa?
34- Marka aad suuliga gashid, gacmaha saabbuun ma iskaga dhaqdaa?
35- Sigsaantu (shurraabaadku) haddaad maalin qaadatid miyay kaa uraan?
36- Habeenkii ma khuurisaa?
37- Marka aad sariirta tagtid dhaqso hurdo ma kaaga timaaddaa, mise muddo ayaad raadisaa?
38- Hurdada marka aad raadineysid, qofka kula jiifa in aad u sheekeysid miyaad jeceshahay, mise in aad aamusnaan ku raadisid?
39- Salaadda subax ma’u kacdaa?
40- Qur'aanka wax ma ka taqaan?
41- Salaadaha shanta ah mid walba waqtigeeda ma tukataa?
42- Guriga miyaad jeceshahay in aad ku tukatid, mise masjidka in aad aaddid?
43- Dhiiggaaga noociisa ma garanaysaa?
44- TB (Qaaxo) hadda kahor ma lagaa daweeyey?
45- Cagaarshow hadda kahor ma kugu dhacay?
46- Kaadi-macaan (Sonkorow) ma qabtaa?
47- Dhiig-kar ma qabtaa?
48- Raashinka noocyadeed jeceshay in aad cuntid?
49- Marka aad qubaysatid, shiir bi'iye (deodorant) ma marsataa?
50- Haddaad i guursanaysid, mahar maxaad iiga dhigaysaa?
51- Arooskeenna qaabkeed rabtaa in aad u dhigtid?
52- Emaillada iyo akoonnada in la iska akhriyo ma oggoshahay?
53- Akoon wadajir ah ma furaneynaa?
54- Akoonkaaga waxa ku jira in aan ogaado ma oggoshahay?
55- Hiwaayad aad ciyaartid ama daawatid ma leedahay?
56- Sigaar ma cabtaa?
57- Jaad ma cuntaa?
58- Balwad kale ma leedahay?
59- Cudurrada la’is qaadsiiyo wax ka mid ah ma qabtaa weligaase ma kugu dheceen?
60- Carruurta in la kala fogeeyo maxaad ka qabtaa?
61- Haddaan dhowr gabdhood isku xijiyo, xiriirkeenna maxaa iska beddelaya?
62- Waalidkay iyo walaalahay noloshoodu maxay kaaga dhigan tahay?
63- Waalidkay iyo walaalahay haddii ay xag maaliyadeed isoo mutaan, wax ma’u taraysaa?
64- Ninku keligiis in uu shaqeeyo miyaad aaminsan tahay mise labada ruux inay shaqeeyaan?
65- Xaaskaaga maalkeeda maxaad ka aaminsan tahay?
66- Xaaskaagu lacagta ay shaqayso maxaad ka aaminsan tahay?
67- Xaaskaagu haddii ay carruur dhasho, shaqada ma sii wadaysaa mise guri joog bay moqonaysaa?
68- Raashin weligaa ma karisay?
69-
dan rabin in uu ila hadlo?
70- Hadduu is-faham waa ina dhex maro, yaad u oggoshahay in uu khilaafkeenna wax ka ogaado ama xalkiisa ka qaybgalo?
71- Xiriirradeydii hore ma daneyneysaa in aad wax ka ogaatid?
72- Maxaa keeni kara in aad hadalka iga goosatid?
73- Marka aad tiraahdid "waxaas baan sameynayaa" oo aadan samayn, qaabkee ugu wanaagsan oo aan kuu xusuusin karo?
74- Adiga oo agtaada lagu hadlayo ma hurdi kartaa?
75- Nalka oo daaran ma hurdi kartaa?
76- Salaadda subax in aan kuu toosiyo ma jeceshahay?
77- Dhibaato dhaqaale marka ay kula soo deristo, maxaad dareentaa?
78- Duruufo degdeg ah oo imaan kara lacag meel ma u dhigataa?
79- Haddii aad tahay dadka carruurta badan aan rabin, sababtu waa maxay?
80- Haddii aad tahay dadka carruurta kala dheerayntooda jecel, sababtu waa maxay?
81 Xaaskaaga dahab iyo dhar muddo intee la'eg oo kasta ayaad jeceshahay in aad u gaddid?
82- Wiilal miyaad jeceshahay in aad dhashid mise gabdho?
83- Xaaskaagu haddii ay xanuusato, shaqada guriga in aad qabatid, maxay kula tahay?
84- Xaaskaaga oon xanuusanayn, raashin ma u karin lahayd?
85- Raashinka guriga iyo kan maqaayadda yaad jeceshahay?
86- Xaaskaaga maqaayad ma u kaxayn lahayd?
87- Xaaskaaga dalxiis ma u kaxayn lahayd?
88- Maalinta aad shaqada fasaxa ka tahay, maxaad jeceshahay in aad qabatid?
89- Waqtigaaga firaaqada, xaaska iyo carruurta miyaad jeceshahay in aad la qaadatid, mise asxaabtaada?
90- Hadiyad in aad xaaskaaga u keentid ma jeceshahay, maxayse taraysaa bay kula tahay?
91- Waa kuwee, adiga oo soo koobaya, sifooyinka ugu mudan ee aad jeclaan lahayd xaaskaagu in ay lahaato?
92- Carruurtaadu dugsi noocee ah ayaad jeceshahay inay wax ku barato?
93- Xaggeed jeceshahay inay carruurtaadu ku korto?
94- Muxuu yahay hab-dhaqanka aadan ku jeclayn xaaskaaga?
95- Sidee kalsoonida aad xaaskaaga ku qabtaa ku lumi kartaa?
96- Ma laga yaabaa in aad xaaskaaga u gacan qaaddid?
Carruurtu haddii ay gefto ma garaaci lahayd?
97- Xaaskaagu haddii ay ku caydo, maxaad samayn lahayd?
98- Xaaskaaga, haddii aad wax isku qabataan, ma in aad doodda waddaan ilaa mid kan kale qanciyo ayaad jeceshahay, mise in la kala aamuso?
99- Xaaskaaga haddii aad isku dhacdaan oo labadiinna mid uu guriga ka baxayo, ma iyadu inay baxdo ayaad rabi lahayd, mise in aad adigu baxdid?
100- Waa maxay ceebaha aad leedahay ee aad isku ogtahay?
Afeef: Fadlan, xuquuqda qoraalka ilaali.
W/Q
Sabriye Musse
moqokori@gmail.com