What's new
SomaliSpace Forum,News,Videos,Chat and Discussion

Welcome to SomaliSpace forum,Register a free account today to become a member! Once signed in, you'll be able to participate on this site by adding your own topics and posts, as well as connect with other members through your own private inbox!

Faa'iidooyinka Galmada iyo Wasmadda!

BaydhaboJanaaye

Halyeey
Wadani
Faa'iidooyinka Galmada iyo Wasmadda!

Faa’idooyinka galmada aad bay u badan yihiin, waxaanse idin faa'iidayn doonaa shan qodob oo Galmada ama Wasmado dhediga iyo lamaa naahiisu ay ku anfacayso, shantaan qodob waxay kala yihiin:

(1) Caafimaad: Waxaan idin soo gudbin doona dhibka ay leedahay doobnimadu iyo saameynta dhibaatka doobnimada ay ku keeni karto.

Waxaan soo ogaaney dhibta amase unuga weyn ee sababa dhibaatadaasi inay tahay xoogga manida ee jidhkeena ku
beeran, sidaa owgeed, kolka aad saarto oo galmo samayso, hubaal weeye inaad
caafimaad badan helayso, kana badbaadayso cuduradii aynu soo aragney.

(2) Degenaansho: Waxaad dareemaysaa firfircooni aad u badan, waadna garan in
kolkii hore culays badan ku saarnaayeen; waad bood-boodi oo iska ordi maantoo
dhan, deganaanshaha maskaxeed, garasho iyo feker eed heshay owgeed.

(3) Waxsoosaar: Eeggii hore wakhti badan iyo feker badan waxaad ku luminaysay sidii naag ama nin aad u heli lahayd, kolkan se waxaad kaga faa’idaysanaysaa inaad
ka fekerto noloshaada, mustaqbalkaaga iyo adduunyada. Eeggaad noqoto waalid
oo carruur Allaah SWT kugu galadaystana, daryeelkooda iyo u diyaarinta qorshe
nololeedkooda ayaad kaga dheefsanaysaa.

(4) Isbeddel: laga yaabee inaad aad u xanaaq badnayd, amase dhibaato badan ay kaa haysatay dhanka nolosha sida gabdho labisan oo xaragoonaya kolkay marar kala duwan dhinacyadaada maraan, amase guuldarro badan kala kulantay arrimo noloshaada gaar ahaaneed, waa hubaal kolkaad maadadaas samayso in isbeddel
badan ay ku dhacayso muuqaalkaaga, dabeecadaada, dhaqankaaga, fekerkaaga,
xiisahaaga, garashadaada iyo aragtiyadaada adduun araga iyo cilmiga nolosha.

(5) Dhallaan: jaahilnimo waxaan ku jirin in carruur aysan dunidan imaan karin ilaa galmo suuragasho, ruuxii dhaha ma guursanayo oo dhallaan ayaan heli doonaa ama waan guursan mana galmoonayo, dhallaana waan rajayn doona, shaki iyo mugdi waxaan ku jirin labo nin oo waalan inay yihiin; nolosha gadaal-gadaal iyo qalbi foorara iyo maan qallafsan ay ku fekereen kun akhriyeen.
 
General chit-chat
Help Users
  • No one is chatting at the moment.
    There are no messages in the chat. Be the first one to say Hi!
    Top